Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Kulanka Gudiga Anshaxa Xirfaadlayasha Caafiimaadka DDS (Professional Ethics Committee).

Kulanka Gudiga Anshaxa Xirfaadlayasha Caafiimaadka DDS (Professional Ethics Committee).

Waxa Kulan Kuyeeshay Gudaha Xafiiska Caafiimaadka DDS Gudiga Anshaxa Xirfaadlayasha Caafiimaadka DDS (Professional ethics committee).

Kulankan waxa kasoqaybgalay xubno kasocday gudiyadda joogtada ah ee golaha barlamaanka deegaanka somalida gudiga anshax ee heer dal gudiga dhakhatiirta kala duwan iyo gudiga xirfadlayaasha caafiimaadka waxayna uu jeedadiisu ahayd sidii loo aas aasi lah gudiga anshax ee bahda caafiimaadka DDS.

Kulankan oo ay si wada jir ah u shir gudominayeen maareeyaha wakaalada dabagalka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS iyo Wasiirka xafiiska caafiimaadka ayaa lagu gorfeeyay sidii loo samayn lah gudiga anshax ee bahda caafiimaadka bahiyaha loo qabo iyo shaqoyiinka ay qabanayaan shurucda loga bahan yahay iyo caqabadaha horyaala gorfayn iyo dood dheer kadib waxa sii buuxda la iskula qaatay inay muhiim tahay in la sameeyo gudigan.

Wasiirka xafiiska caafiimaadka Dr Musse Axmed Ibraahim ayaa sheegay inay mudnan garaa siin doonan samaynta gudigan balse loo bahan yahay in si dhaba ah la iskula qaato muhiimada uu gudiigan anshax ee bahda caafiimaadku uu leyahay geedii socodka bahiyaha caafiimaadka.

Gabagabadii kulanka waxa kasobaxay fahan wanagasan oo ah muhiimada gudigan iyo sidii loo sii anbo qaadi lahaa samaynta gudiga.

FMHACA

February 10/2/2025

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *