Wakiillada Wakaaladda ee Gobolada ayaa Hawlgalo Kormeerka,Dabogal iyo Wacyigelin ka Fuliyay Fiiq iyo Mooyaale.
Wakiillada Wakaaladda ee Gobolada ayaa hawlgalo Kormeerka, dabogal iyo Wacyigelin ka Fuliyay Fiiq iyo Mooyaale.
Wakiillada Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ayaa hawlgallo shaqo iyo kulammo wacyigelin ah ka qabtay magaalooyinka Fiiq iyo Mooyaale, iyaga oo diiradda saaray ilaalinta tayada cuntada, kahortaga mashiicada Dhacday iyo badqabka bulshada.
Wakiilka wakaaladda ee Gobolka Erer oo kaashanaya Dawlada Hoose ee Magaalada Fiiq ayaa kulan wacyigelin ah la yeeshay milkiilayaasha iyo shaqaalaha maqaayadaha iyo meheradaha yaryar ee cuntada kariya, waxaana kulanka lagaga hadlay ilaalinta nadaafadda iyo tayada cuntada bulshada la siiyo,In shaqaalaha meheraduhu waajib ku tahay inay haystaan Medical Certificate oo caddeynaysa caafimaadkooda, In la sameeyo kormeer joogto ah iyo dabagal nadaafadeed, Shaqaalaha aan haysan shahaadada caafimaadka (Medical Certificate) waxaa loo qabtay muddo cayiman oo ay ku soo buuxiyaan shuruudaha.
Dhanka kale, wakiilka wakaaladda ee Gobolka Daawa oo kaashanaya xafiisyada bahwadaagta ayaa kormeer iyo dabagal ku sameeyay meheradaha ganacsiga magaalada Mooyaale, si loo hubiyo tayada iyo taariikhda dhicitaanka maciishada.
Intii lagu jiray hawlgalkan waxaa la ogaaday badeecooyin dhacay, waxaana lagu amray in suuqa laga saaro si loo ilaaliyo badqabka bulshada. Ganacsatada ayaa lagu booriyay, in ayna alaabta cadceedda dhigin oo ay si joogto ah u ilaaliyaan tayada maciishada, iyo In aan gabi ahaanba la iibinin badeeco kasta oo taariikhda dhicitaankeedu dhammaaday.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha FMHACA.



