Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Wakiilada Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka DDS oo kormeer Baadhitaan iyo Wacyigelin isugu jira ka Sameeyay Magalooyinka Qabridahar iyo Guradhaamoole.

Wakiilada Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka DDS oo kormeer Baadhitaan iyo Wacyigelin isugu jira ka Sameeyay Magalooyinka Qabridahar iyo Guradhaamoole.

Wakiilada Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka DDS oo kormeer baadhitaan iyo Wacyigelin isugu jira ka sameeyay Magalooyinka Qabridahar iyo Guradhaamoole.

Wakiilada Wakaalada, ayaa baadhitaan iyo wacyigelin kusaabsan inaan la iibinin lana iibsanin alaabta wakhtigoodu dhacay iyo kahortaga inaan badeecada la dhigin qorraxda ka fuliyeen Magalooyinka Qabridahar iyo Guradhaamoole, waxayna kormeer baadhitaan iyo dabo gal ah kusameeyeen meheradaha ganacsiga, bakhaarada iyo super market yada magaalooyinkaas.

Wakiilada wakaalada Guradhaamoole, oo baadhitaan iyo dabogal ku sameeyay bakhaarada sharaabka iyo dukaamada kale, ayaa baadhitaan kaas kusoo qabtey sharaabka kooka da iyo faantada oo wakhtigoodii dhacay (expired) intaas kadib Wakiiladi, iyagoo kaashanaya bahwadaagta ganacsiga, caddaaladda iyo booliska ayaa alaabta ururiyey oo si rasmi ah u gubay, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada. Sidoo kale Wakiilada wakaalada Magaalada Qabridahar oo kormeer iyo dabogal kusoo sameeyay meharadaha gada alaabta ayaa ganacsatada ku wacyigeliyay in aan alaabada cadceedda la dhigin, si joogto ahna loo ilaaliyo badqabka, tayada iyo taariikhda dhicista.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *