Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Shirwaynaha Sannadlaha ah ee Bahda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka heer Federaal Ayaa Lagu Qabtay Magaaladda Jigjiga.

Shirwaynaha Sannadlaha ah ee Bahda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka heer Federaal Ayaa Lagu Qabtay Magaaladda Jigjiga.

Shirwaynahan oo sannadkiiba mar lagu qabto deegaanada kala duwan ee dalka isla markaasina sannadkan uu martigaliyay Deegaanka Soomaalidu ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxda sare ee Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka Dalka oo ay ugu horayso Maareeyaha Wakaaladda Marwo Heran Gerba, Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS Mudane Maxamed Ayaanle, Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS Mudane Cabdulahi Maxamud Mataan ,maareeye kuxigeenka wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntadadz daawooyinka iyo adeega caafimaadka deegaanka Dr.Eid Abdulahi Mahamed, hogaaminta Wakaaladaha Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka ee Deegaannada Dalka, labbada ismaamul magaalo iyo masuuliyiin kale, iyadoo shirwaynaha lagu soo jeediyay qabsoomka shaqooyinkii qorshaysnaa sannadkii tagay ee dhinaca dabagalka cuntada iyo dawooyinka, meelaha gaabisku ka jiray ee u baahan in xoogga la saaro iyo qorshaha sannadkan 2018-ka t.i.

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka Dalka Marwo Heran Gerba oo furitaankii madasha halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dedaalka badan ee dawladu ka samaysay sektarka caafimaadka gaar ahaan xakamaynta daawooyinka uu suurtagaliyay in dhawaan dalku ka mid noqday wadamada tirada yar ee ku guulaystay gaadhista heerka qaangaadhka saddexaad (Maturity Level Three) oo ay bixiso Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *