Digniin Caafimaadka laxiriirta.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee #WHO ayaa Isniintii soo saartay digniin caafimaad oo ku saabsan saddex nooc oo ah sharoobada qufaca oo wasakhaysan ama leh khatar caafimaad kuwaas oo lagu aqoonsaday ama laga helay dalka Hindiya, hadaba waxaa lagu boorinayaa dhamaan bulshada deegaanka meel kasta oo ay joogaan in ay iska ilaaliyaan sharoobooyinkaas sidoo kalena la soo wadaagaan wakaalada hadii ay arkaan dawadaas
Dhanka kale waxaa looga digayaa dhamaan pharmacy yada deegaanka in ay iibiyaan dawadaas hadii ay taalo meheradana uu ka qaado shelf ga isla markaana lasoo wadaago wakaalada
Sharoobooyinkan waxay ku kooban yihiin sadexdan nooc ee hoose kaliya sida ay sheegtay hayada caafimaadka aduunka ee WHO
Waana sidan magacyada sharoobooyinka iyo shirkada soo saartay
1. Coldrif ah oo ay soo saartay shirkada Sresan Pharmaceutical,
2. Respifresh TR oo ay soo saartay shirkada Rednex Pharmaceuticals
3. ReLife oo ay soo saartay shirkada Shape Pharma.
Hadaba waxaan ka codsanaynaa bulshada guud ahaan in aysan hawshaas fududaysanin.



