Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Hoggaamiyeyaasha Shirkadda Tians Ayaa Lagu Xukumay 17 Sano oo Xabsi adag ah iyo Ganaax Lacageed oo Gaaraya 40 Milyan oo birr.

Hoggaamiyeyaasha Shirkadda Tians Ayaa Lagu Xukumay 17 Sano oo Xabsi adag ah iyo Ganaax Lacageed oo Gaaraya 40 Milyan oo birr.

Hoggaamiyeyaasha shirkadda Tians ayaa lagu xukumay 17 sano oo xabsi adag ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 40 milyan oo birr.

Shirkadda Tians Ethiopia Business iyo hoggaamiyeyaasheeda ayaa lagu helay dambi ah inay muddo sanado ah ku shaqeynayeen nidaam ganacsi sharci-darro ah oo ah “pyramid scheme” (nidaamka silsiladda ah). Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa ku ridday xukun culus.

Shirkaddu waxay adeegsatay rukhsad ay ku keento cuntooyin nafaqo leh si ay u daboosho hawlaheeda sharci-darrada ah. Intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2008 T.I, waxay si sharci-darro ah uga faa’iidaysteen in ka badan 40 milyan oo birr, iyagoo sidoo kale ku tuntay xuquuqda macaamiisha.

Eedeysanayaashu waxay dadka ku qori jireen magaca “wakiil iib (commission agent)” iyagoo ku khiyaamaynaya abaalmarino sida baabuur, safarro dibadda ah iyo lacag gunno ah si ay dad cusub ugu soo daraan silsiladda.

Falalkan ayaa lagu tilmaamay kuwo sharci-darro ah oo ka hor imanaya xeerarka ganacsiga iyo ilaalinta macaamiisha, sidoo kale waxaa lagu helay dambi la xidhiidha lacag sharci-darro lagu helay oo la isku dayay in sharci loo ekeysiiyo.

Maxkamaddu waxay shirkadda ku xukuntay ganaax dhan 20 milyan oo birr, halka hoggaamiyeyaasha kala ah Mr. Doyong Gang iyo Ato Teodros Bekele mid kasta lagu xukumay 17 sano oo xabsi ah iyo 10 milyan oo birr ganaax ah. Booliska ayaa sidoo kale la faray inay soo qabtaan eedeysanayaal kale oo baxsad ah.

Hadaba bulshada deegaanka waxaa looga digayaa inay ku kadsoomaan ganacsiga hawshaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *