Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, Ayaa Lawadaagtay Bulshada Fariinta Hoose.

Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, Ayaa Lawadaagtay Bulshada Fariinta Hoose.

Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS waxay bulshada, farmashiyeyaasha iyo dhammaan adeeg-bixiyeyaasha caafimaadka ku wargelinaysaa inay xaqiijiyaan sharciyadda warqadaha dawo-qorista (Prescription-ka) ka hor bixinta ama qaadashada dawooyinka.

Warqadda dawo-qorista ee saxda ahi waa inay la haataa:-

✔️ inuu soo qoray xirfadle caafimaad oo ruqsad haysta.

✔️ waa inay la haataa magaca iyo saxiixa xirfadlaha caafimaadka ee qoray.

✔️ Waa inay la haato taariikh sax ah.

✔️ Waa inuu ku qornaado magaca bukaanku.

✔️ Waa inay lahaato shaambadda xarunta caafimaadka.

✔️ Waa inayna noqonin warqad been-abuur ah.

Farmashiyeyaasha waxaa lagu adkaynayaa inay si taxaddar leh u hubiyaan saxnaanta warqadaha dawo-qorista ka hor inta aan dawo la bixin. Sidoo kale, bulshada waxaa lagu wacyigelinayaa inay dawooyinka ka qaataan oo keliya goobaha sharciyeysan.

Xaqiijinta warqadaha dawo-qoristu waxay ka qayb qaadanaysaa badbaadada bukaanka, isticmaalka habboon ee dawooyinka iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara warqadaha been-abuurka ah.

Caafimaadka bulshada waa masuuliyad u baahan inaa wadajir u ilaalino.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *