Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Wakaalada oo Wado ol,ole Dhalinyarada Lagu Baraarujinayo Khatarta Caafimaad ee uu Leeyahay Isticmaalka Tubaakada iyo Sigaarku.

Wakaalada oo Wado ol,ole Dhalinyarada Lagu Baraarujinayo Khatarta Caafimaad ee uu Leeyahay Isticmaalka Tubaakada iyo Sigaarku.

Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS ayaa waddo olole wacyigelin ah oo bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, lagu baraarujinayo khatarta caafimaad ee uu leeyahay isticmaalka tubaakada iyo sigaarku.

Ujeeddada ololahan ayaa ah in bulshada laga wacyigeliyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha sigaarka, iyadoo dadka isticmaala lagu dhiirrigelinayo inay joojiyaan, halka kuwa aan isticmaalinna looga digay loona sheegayo inay ka fogaadaan.

Wacyigelintan ayaa laga fuliyay iskuulada Magaalada Jigjiga, iyadoo ardayda lagu siiyay casharro iyo fariimo caafimaad oo ku saabsan waxyeellada tubaakadu u leedahay caafimaadka bulshada iyo deegaanka.

Sidoo kale, kooxaha wakaaladda ayaa gidaarada ku dhejiyay qoraalo mamnuucaya cabista sigaarka goobaha kala duwan, si loo xoojiyo ilaalinta caafimaadka bulshada iyo deegaanka nadiifta ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *