Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐞𝐞𝐫𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐥𝐚𝐡𝐚 (A𝐧𝐭𝐢 B𝐢𝐨𝐭𝐢𝐜𝐬, A𝐧𝐭𝐢𝐯𝐢𝐫𝐚𝐥.𝐚𝐧𝐭𝐢 H𝐞𝐥𝐦𝐢𝐧𝐭𝐡𝐢𝐜𝐬 𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐧𝐭𝐢 M𝐚𝐥𝐚𝐫𝐢𝐚𝐬) 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 (𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐀𝐧𝐭𝐢𝐦𝐢𝐜𝐫𝐨𝐛𝐢𝐚𝐥 𝐑𝐞𝐬𝐢𝐬𝐭𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐀𝐰𝐚𝐫𝐞𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐖𝐞𝐞𝐤) ayaa si Wayn Loogu Maamusay Magaalada Jigjiga.

𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐞𝐞𝐫𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐥𝐚𝐡𝐚 (A𝐧𝐭𝐢 B𝐢𝐨𝐭𝐢𝐜𝐬, A𝐧𝐭𝐢𝐯𝐢𝐫𝐚𝐥.𝐚𝐧𝐭𝐢 H𝐞𝐥𝐦𝐢𝐧𝐭𝐡𝐢𝐜𝐬 𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐧𝐭𝐢 M𝐚𝐥𝐚𝐫𝐢𝐚𝐬) 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 (𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐀𝐧𝐭𝐢𝐦𝐢𝐜𝐫𝐨𝐛𝐢𝐚𝐥 𝐑𝐞𝐬𝐢𝐬𝐭𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐀𝐰𝐚𝐫𝐞𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐖𝐞𝐞𝐤) ayaa si Wayn Loogu Maamusay Magaalada Jigjiga.

Xuska munasibaddan oo ay si wada jira uu soo diyaariyeen xafiiska caafiimaadka DDS iyo cusbitaalka karamardha ayaa waxa kasoo qaybgalay jamacada jigjiga (qaybta mashruuca (One Health Program),shaqaalaha cusbitaalka karamardha,cusbitaalka suldaan Sheekh Hassen Yabare iyo xafiisyada heer deegaan ee bahwadagta la ah xafiiska caafiimaadka sida wakaaladda dabagalka dawooyinka cunada iyo adeega caafiimaadka xafiiska beeraha,xafiiska ilaalinta deegaanka &maamulka dhulka miyiga,Ha,yaadda (WHO).

Xuskan oo markii 11aad heer caalami iyo heer dalba laga xusayo ayaa halku dhaga sandkan u yahay Hadda aynu dhaqan gelino si aan u ilaashano fursadeena maanta una sugno mustaqbalkeen si xirfadlayaasha caafimaadka iyo bulshada si guud loogu baraarujiyo halista ay leedahay dawooyinka jeermis dilaha ah ee laqabsiga sameynaya iyo sidii looga baaqsan lahaa dawooyinkan jeermiska.

Waxaa kulanka furitaankisii ka hadlay agaasinka waaxda daaweynta iyo baxnaanada Dr Ahmed Dek Aden wuxuna sheegay halista caafiimaad,ka dhaqaale iyo kan deegaan ay ku leedahay dawooyinka jeermis dilaha ah ee laqabsiga sameynaya loona bahaan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo la dagaalamka dawooyinka jeermis dilaha ee laqaabsiga sameyaa si jiilka danbe ay u helaan dawooyin waxtar leh.

Sido kale Mudane Mohamed Adem madax ha,yaadda (WHO) ee bariga itoobiya ayaa dhankiisa ka sheegay in marba markay ka danbeysa ay soo kordhayaan Dawooyinka laqabsiga sameynaya loona baahan yahay in xafiisyadda ay khuseyso inay ahmiyad gaar ah siiyan si looga baaqsado khasaaraha ka iman karo dawooyinka jeermis dialaha ah ee laqabsiga sameynaya.

Soo jeedin kala duwan kadib waxaa isla qaatay in sida jir ah looga wada shaqeeyo ladagaalamka dawooyinka laqabsiga sameynayaa taasi oo horseedi karta halis caafiimaad oo bulsho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *