Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

News and Events

Mareeyaha Wakaalada Maamulka iyo Dabagaka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimadka oo Kawar Bixiyay Kormeero iyo Dabalo Lasameyey R1aad iyo Natiijada Kadhalatay ee SM 2018.T.I.

Kormeerkii iyo dabagalkii ay samaysay Wakaaladdu rubucii 1aad ee sanadkan, waxaa tallaabooyin sharci ah laga qaaday 23 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo lagu fuliyay digniin, ganaax lacageed, iyo lix ka mid oo laga qaaday shatigii ganacsiga,” Mudane C/llaahi Maxamuud Maareeyaha Wakaaladda.

Tababar ay Wakaaladu Uqabatay fokolada Gobolada DDS.

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS ayaa Magaalada Jigjiga tababar ku saabsan kor u qaadista tayada iyo hufnaanta adeeg-bixinta wakaaladda, ugu qabatay xubnaha wakiillada ee wakaaladda ugu hawl gala gobollada deegaanka.

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS Ayaa Magaalada Jigjiga Tababar ku Saabsan kor u Qaadista Tayada iyo Hufnaanta Adeeg-bixinta ugu Qabtay Fokalada Gobolada Degaanka.

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS ayaa Magaalada Jigjiga tababar ku saabsan kor u qaadista tayada iyo hufnaanta adeeg-bixinta wakaaladda, ugu qabatay xubnaha wakiillada ee wakaaladda ugu hawl gala gobollada deegaanka Tababarkan ayaa u jeedadiisu tahay sidii faham buuxa looga siin lahaa wakiilada wakaalada waajibaad kooda shaqo iyo adeegyada kala duwan ee…
Read more

Wareegga saddexaad ee tababarka iskaashiyada xisbiga Barwaaqo ayaa saaka ka furmay madasha kulamada wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS.

Wareegga saddexaad ee tababarka iskaashiyada xisbiga Barwaaqo ayaa saaka ka furmay madasha kulamada wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS. Tababarkan oo uu hoggaaminayay maareeyaha wakaalada mudane cabdulahi maxamud matan, ayaa uu halkaas ka jeediyay cashar muhiim ah oo ku saabsanaa isbeddellada ka socda beeraha iyo miyiga, iyo guulaha uu dalku ka…
Read more

Waxaa Maanta Magalada Jigjiga Laga Daah Furay Xarun Cusub oo Lagula Soconayo Waxyeellada Ka Dhalata Dawada Khaldan iyo Tallaalka Tasoo Laga Daahfuray Cusbitaalka Sheekh Xasan Yabaree.

Xarun lagula soconayo waxyeellada ka dhalata dawada iyo tallaalka ayaa laga daahfuray cusbitaalka Sheekh Xasan Yabaree. Xaruntan oo noqonaysa tii 9aad ee dalka ayaa noqonaysa mid fufudaynaysa la socodka tayada dawada si looga fogaado waxyeellada bulshada ka soo gaadha dawada aan tayadooda la xaqiijin. Daahfurka xaruntani ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiir kuxigeenka caafimaadka, maareeye…
Read more

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo adeegyada caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay waxqabadka rubucii 1aad ee sannadkan 2018 T.I.

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo adeegyada caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay waxqabadka rubucii 1aad ee sannadkan 2018, wuxuuna cadeeyay in wakaaladdu ay fulisay kormeerro iyo dabagallo ballaadhan oo lagu xaqiijinayay tayada badeecooyinka iyo adeegyada caafimaadka, wuxuuna sheegay in kormeerka lagu soo qabtay badeecooyin dhacay, dawooyin tayo liita,…
Read more

Ogaysiis Ogaysiis

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan xirfadlayaasha caafimaadka ee deegaanka soomaali in Hadii aad tahay xirfadle caafimaad oo doonaya in uu qaato,cusboonaysiisto ama dib ula soo baxo shatiga xirfadlaha caafimaadka waxaad booqan kartaa link gan hoose waxaadna raacdaa tilmaamaha uu kusiinayo muuqaalka hoose kadibna u doono shatigaaga xarunta SOMALI MESOB ee jigjiga taas oo ku taala ka…
Read more

GUDBINTA XOGTA LA XIDHIIDHA WAXYEELOOYINKA KA DHASHA DAAWADA WAA

1. Usheegida bukaanada waxyeellooyinka ka dhalan kara ka dib marka ay qaataan daawada. 2. Usheegida sida iyo meesha ay ku soo gudbin karaan waxyeellooyinka ka dhasha. 3. Ku talinta inay akhriyaan oo raacaan warqadda macluumaadka ee la socota daawada. 4. U sheegista waxyeellooyinka ka dhasha daawada hay’adda sharciyeynta dawooyinka ee dalka ama deegaankooda.

Hawlwadeennada Wakaaladda ee Gobolka Nogob ayaa saaka kormeer ku sameeyay meheradaha ganacsiga magaalada Garbo.

Hawlwadeennada Wakaaladda ee Gobolka Nogob ayaa saaka kormeer ku sameeyay meheradaha ganacsiga magaalada Garbo, waxanya ganacsatada u gudbiyeen farriimo iyo wacyigelin ku saabsan Hubinta tayada cuntada iyo cabitaanada lagu iibiyo meheradaha oo laga war hayo wakhtiga dhicitaanka (Expiry Date) ee badeecadaha, waxayna ku baraarujiyeen Khataraha ka dhalan kara alaabta dhacday iyo waliba in la xoojiyo…
Read more