Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

News and Events

Hawl-wadeennada Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Doollo ayaa Dabagal iyo kormeer Baadhitaan ah ku Sameeyay Meheredo Cuntada iyo Farmarsiyada Dawooyinka Lagu iibiyo.

Hawl-wadeennada dabagalka cuntada, daawooyinka iyo adeegga caafimaadka ee gobolka Doollo ayaa dabagal iyo kormeer baadhitaan ah ku sameeyay alaabta meheradaha iyo goobaha cuntada, si loo hubiyo tayada iyo taariikhda dhicitaankooda loona ilaaliyo badqabka bulshada islamarkaasina looga hortago ka ganacsiga maciishada dhacday ee wakhtigeedii isticmaalka uu dhaafay ayaa intii ay ku guda jireen baadhitaankan waxay qabteen…
Read more

Hawlwadeennada Wakaalada ee Gobolka Daawa Ayaa Kormeer iyo Baadhitaan Kusoo Sameeyay Xarumaha Caafimaadka Gaarka Loo Leeyahay ee Ku yaalla Kagaalada Mooyaale.

Kormeerkan oo ujeeddadiisu ahayd in lagu hubiyo tayada adeegyada dawo ee ay bixiyaan xarumahaasi, iyo in la baadho dawooyinka sharci darrada ah ee guud ahaan laga mamnuucay dalka. Intii uu socday kormeerka, hawlwadeennadu waxay qabteen qaar kamid ah dawooyinka mamnuuca ah, waxayna hawlwadeenadu digniin siiyeen goobaha lagu arkay, iyagoo ku amray in mar dambe aan…
Read more

Digniin Caafimaadka laxiriirta.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee #WHO ayaa Isniintii soo saartay digniin caafimaad oo ku saabsan saddex nooc oo ah sharoobada qufaca oo wasakhaysan ama leh khatar caafimaad kuwaas oo lagu aqoonsaday ama laga helay dalka Hindiya, hadaba waxaa lagu boorinayaa dhamaan bulshada deegaanka meel kasta oo ay joogaan in ay iska ilaaliyaan sharoobooyinkaas sidoo kalena la…
Read more

Wakaalada Maamulka Dabo-galka Cunnada iyo Dawooyinka DDS oo ku guulaysatay Shahaado Mahadnaq shaqo ah.

Wakaalada Cuntada iyo Dawooyinka Dalka ayaa 18-kii Oktoobar 2025 guddoonsiisay Shahaado sharaf, taasoo ay ku mutaysatay kaalinta muuqata iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadatay guusha lagu gaadhay Heerka 3-aad ee nidaaminta daawooyinka ee WHO. Shahaadadan ayaa waxay caddeyn u tahay Dadaalka joogtada ah ee wakaaladda, Hufnaanta shaqo iyo Heerka sare ee adeegyada shaqo…
Read more

Shirwaynaha Sannadlaha ah ee Bahda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka heer Federaal Ayaa Lagu Qabtay Magaaladda Jigjiga.

Shirwaynahan oo sannadkiiba mar lagu qabto deegaanada kala duwan ee dalka isla markaasina sannadkan uu martigaliyay Deegaanka Soomaalidu ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxda sare ee Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka Dalka oo ay ugu horayso Maareeyaha Wakaaladda Marwo Heran Gerba, Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS Mudane Maxamed Ayaanle, Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka…
Read more

Wakiilada Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka DDS oo kormeer Baadhitaan iyo Wacyigelin isugu jira ka Sameeyay Magalooyinka Qabridahar iyo Guradhaamoole.

Wakiilada Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka DDS oo kormeer baadhitaan iyo Wacyigelin isugu jira ka sameeyay Magalooyinka Qabridahar iyo Guradhaamoole. Wakiilada Wakaalada, ayaa baadhitaan iyo wacyigelin kusaabsan inaan la iibinin lana iibsanin alaabta wakhtigoodu dhacay iyo kahortaga inaan badeecada la dhigin qorraxda ka fuliyeen Magalooyinka Qabridahar iyo Guradhaamoole, waxayna kormeer baadhitaan iyo dabo gal…
Read more

Wakiilada Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Liibaan Ayaa Hawlo Shaqo Kawada isla Gobalkaasi.

Wakiilada Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Liibaan, oo ay is kaashanayaan booliska iyo maamulka, ayaa maanta ku guulaystay inay soo qabtaan sonkor dhan 21 kiintaal oo shidaal ku daatay, taasoo halis weyn ku keeni lahayd caafimaadka bulshada, hase yeeshee tallaabo degdeg ah laga qaaday si looga hortago in shacabka…
Read more

Hawlwadeeno ka Socday Wakaalada ayaa Labadii Maalmood ee La Soo Dhaafay ka Fuliyey Baadhitaanno iyo Wacyigelin Xarumaha Qaxootiga ee Hoos Yimaada Degmada Doolo Addo iyo degmada Boqolmaanyo.

Hawlwadeeno ka socday Wakaalada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka fuliyey baadhitaanno iyo wacyigelin xarumaha qaxootiga ee hoos yimaada degmada Doolo Addo iyo degmada Boqolmaanyo. Waxayna Farmasiyada iyo xarumaha caafimaadka ka baadheen Daawooyinka khatarta caafimaad leh, sida kuwa dhacay (expired) kuwa mandoriyaha loo isticmaalo iyo Daawooyinka dalka gudihiisa laga mamnuucay isticmaalkooda Sidoo kale,…
Read more

Wakiilada Wakalada ee Gobalka Jarar Ayaa Hawlgal kormeer, Dabagal iyo Wacyigelin isugu jira ka Fuliyay Goobaha Ganacsiga, Rayslayaasha, iyo Bakhaarada Raashinka Magaalada Dhagaxbuur.

Wakiillada Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Jarar ayaa hawlgal kormeer, dabagal iyo wacyigelin isugu jira ka fuliyay goobaha ganacsiga, rayslayaasha, iyo bakhaarada raashinka magaalada Dhagaxbuur. Kormeerkan ayaa kusaabsanaa hubinta tayada iyo taariikhda dhicitaanka badeecadaha, iyadoo la doonayo in laga hortago ka ganacsiga maciishada dhacday iyo in la sugo badqabka…
Read more