Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

News and Events

Wakiillada Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Doollo ayaa hawlgalo shaqo oo kormeer, dabagal iyo wacyigelin isugu jira ka fuliyay meheradaha ganacsiga, Farmasiyada iyo goobaha cuntada ee Magaalada Wardheer.

Wakiillada Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Doollo ayaa hawlgalo shaqo oo kormeer, dabagal iyo wacyigelin isugu jira ka fuliyay meheradaha ganacsiga, Farmasiyada iyo goobaha cuntada ee Magaalada Wardheer. Waxayna dabagal iyo kormeer baadhitaana kusameeyeen alaabta meheradaha iyo goobaha cuntada, si loo hubiyo tayada iyo taariikhda dhicitaankooda, loona ilaaliyo badqabka…
Read more

Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS.

Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS gaar ahaan Iskuduwaha gobolka erer C/raxmaan shaafi oo ku guda jira qorshaha shaqo ee ka hortagga waxyeellada bulshada, wacyigelinta iyo hubinta nadaafadda caafimaadka shaqsiga ah, ayaa fuliyay baadhitaanno caafimaad oo lagu sameeyay shaqaalaha meheradaha cuntada yaryar ee magaalada Fiiq. Baadhitaanadaas kadib, shaqaalihii la baadhay waxaa…
Read more

Wakiillada Wakaaladda ee Gobolada ayaa Hawlgalo Kormeerka,Dabogal iyo Wacyigelin ka Fuliyay Fiiq iyo Mooyaale.

Wakiillada Wakaaladda ee Gobolada ayaa hawlgalo Kormeerka, dabogal iyo Wacyigelin ka Fuliyay Fiiq iyo Mooyaale. Wakiillada Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ayaa hawlgallo shaqo iyo kulammo wacyigelin ah ka qabtay magaalooyinka Fiiq iyo Mooyaale, iyaga oo diiradda saaray ilaalinta tayada cuntada, kahortaga mashiicada Dhacday iyo badqabka bulshada. Wakiilka wakaaladda ee Gobolka…
Read more

Waxaa Qabsomay Manta Kulankii Caadiga Ahaa ee Xubnaha SMT Wakalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada , Dawooyinka iyo Adeega Caafimadka DDS.

Waxaa qabsomay manta kulankii caadiga ahaa ee xubnaha SMT Wakalada maamulka iyo dabagalka cuntada , dawooyinka iyo adeega caafimadka DDS. Kulan ayaa lagaga wada hadlay ajendeeyaal dhawr ah waxaana shir gudoomiyay mareeyaha wakalada mudane : Abdulahi mahamud matan isagoo sojediyay inla xojiyo habsami usocodka shaqada xafiiska kana duwanado sanadkii 2017 T.I madama adeegyada xafiisku dhaman…
Read more

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamuud, ayaa bulshada fariin Caafimaad.

Fariin Caafimaad oo ku wajahan bulshada MMJ. Jigjiga – Maareeyaha Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamuud Mataan, ayaa bulshada u soo jeediyay in ay ka digtoonaadaan isticmaalka cuntooyinka, cabitaanada iyo dawooyinka dhacay ama si khaldan loo kaydiyay, taas oo keeni karta khatar caafimaad. Wuxuu yidhi:- “Shay walba oo…
Read more

Waxaa Maanta Magaalad Jigjiga Laga Daah furay Xarun Cusub oo lagula soconayo waxyeellada ka Dhalata Dawada Khaldan iyo Tallaalka Taaso Laga Daahfuray Cusbitaalka Sheekh Xasan Yabaree.

Xarun lagula soconayo waxyeellada ka dhalata dawada iyo tallaalka ayaa laga daahfuray cusbitaalka Sheekh Xasan Yabaree. Xaruntan oo noqonaysa tii 9aad ee dalka ayaa noqonaysa mid fufudaynaysa la socodka tayada dawada si looga fogaado waxyeellada bulshada ka soo gaadha dawada aan tayadooda la xaqiijin. Daahfurka xaruntani ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiir kuxigeenka caafimaadka, maareeye…
Read more

Wakaalada oo Gudanaysa Shaqadeedii Ayaa Waxay u Kala Dirtay Teamam Kormeer iyo Dabagal ah Dagmoyinka Gursum, Kabribayax iyo Wajalee.

Wakaalada oo gudanaysa shaqadeedii ayaa waxay u kala dirtay Teamam kormeer iyo dabagal ah dagmoyinka Gursum, Kabribayax iyo wajalee. Waxaa kormeer lagu soosameeyay xarumo kor udhaafaya 80 xarumood ku waas oo kukala yaala magaalooyinka wajaale, Kabribayax iyo gursum sidoo kale waxaa aalada casriga ah ee (MFR) lasoo galiyay xarumo dhan 50 waxaana talaabo laga qaaday…
Read more

Tababar Loo Qabtay Foculada Gobolada iyo Qaybo Kamid ah Xaramaha Caafimadka ee Modelka ah.

waxaa laso gaba gabeeyay tababar socday labo cisho lona qabtay shaqalaha foculka (focul persons ) ee ka hawgala gobolada iyo dagmooyinka DDS iyo qaar kamid ah pharmarcy layda Modelka ah ee MMJ. Tababarka oo ay sodiyarisay Wakaakada maamulka iyo dabagalka cuntada, Dawooyinka iyo adeega caafimadka ayaa dirada lagu saray sidii fahan buuxo uga heli lahayeen…
Read more

Kulan Lagu Soo Bandhigay Warbixin Ku Saabsan Kormeero iyo Dabagal Lagu Sameyay Xarumaha Cilaajka MMJ.

Waxaa maanta Gudaha wakaalada lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan kormeero iyo dabagal lagu sameyay xarumaha cilaajka. Ee ka hawl gala Maamulka Magalada Jigjiga. Kulanka ayaa waxaa kasoqayb galay mulkiileyaasha xarumaha cilajka ee mamulka MMJ. Kulankan oo ay kasoo qayb galeen mulkileyasha arumaha cilaajka ee MMJ waxaa uu ujeedkiisu ahaa in lagu qiimeeyo tayada adeegyada…
Read more