Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Category: news and events

Xoojinta Iskaashiga Wakaaladda iyo Maamulka Gobolka Dawa.

Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka (FMHACA) waxay si weyn u bogaadinaysaa iskaashiga miro-dhalka ah ee kala dhexeeya maamulada Gobolka Dawa, kaas oo door muuqda ka qaatay horumarinta iyo hufnaanta hawlaha wakaaladda ee gobolka dawa. Mareeyaha wakaalada mudane : Abdulahi mahamud matan ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah hoggaaminta…
Read more

Mareeyaha Wakaalada Maamulka iyo Dabagaka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimadka oo Kawar Bixiyay Kormeero iyo Dabalo Lasameyey R1aad iyo Natiijada Kadhalatay ee SM 2018.T.I.

Kormeerkii iyo dabagalkii ay samaysay Wakaaladdu rubucii 1aad ee sanadkan, waxaa tallaabooyin sharci ah laga qaaday 23 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo lagu fuliyay digniin, ganaax lacageed, iyo lix ka mid oo laga qaaday shatigii ganacsiga,” Mudane C/llaahi Maxamuud Maareeyaha Wakaaladda.

Wareegga saddexaad ee tababarka iskaashiyada xisbiga Barwaaqo ayaa saaka ka furmay madasha kulamada wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS.

Wareegga saddexaad ee tababarka iskaashiyada xisbiga Barwaaqo ayaa saaka ka furmay madasha kulamada wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS. Tababarkan oo uu hoggaaminayay maareeyaha wakaalada mudane cabdulahi maxamud matan, ayaa uu halkaas ka jeediyay cashar muhiim ah oo ku saabsanaa isbeddellada ka socda beeraha iyo miyiga, iyo guulaha uu dalku ka…
Read more

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo adeegyada caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay waxqabadka rubucii 1aad ee sannadkan 2018 T.I.

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo adeegyada caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay waxqabadka rubucii 1aad ee sannadkan 2018, wuxuuna cadeeyay in wakaaladdu ay fulisay kormeerro iyo dabagallo ballaadhan oo lagu xaqiijinayay tayada badeecooyinka iyo adeegyada caafimaadka, wuxuuna sheegay in kormeerka lagu soo qabtay badeecooyin dhacay, dawooyin tayo liita,…
Read more

Hawlwadeennada Wakaaladda ee Gobolka Nogob ayaa saaka kormeer ku sameeyay meheradaha ganacsiga magaalada Garbo.

Hawlwadeennada Wakaaladda ee Gobolka Nogob ayaa saaka kormeer ku sameeyay meheradaha ganacsiga magaalada Garbo, waxanya ganacsatada u gudbiyeen farriimo iyo wacyigelin ku saabsan Hubinta tayada cuntada iyo cabitaanada lagu iibiyo meheradaha oo laga war hayo wakhtiga dhicitaanka (Expiry Date) ee badeecadaha, waxayna ku baraarujiyeen Khataraha ka dhalan kara alaabta dhacday iyo waliba in la xoojiyo…
Read more

Hawl-wadeennada Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Doollo ayaa Dabagal iyo kormeer Baadhitaan ah ku Sameeyay Meheredo Cuntada iyo Farmarsiyada Dawooyinka Lagu iibiyo.

Hawl-wadeennada dabagalka cuntada, daawooyinka iyo adeegga caafimaadka ee gobolka Doollo ayaa dabagal iyo kormeer baadhitaan ah ku sameeyay alaabta meheradaha iyo goobaha cuntada, si loo hubiyo tayada iyo taariikhda dhicitaankooda loona ilaaliyo badqabka bulshada islamarkaasina looga hortago ka ganacsiga maciishada dhacday ee wakhtigeedii isticmaalka uu dhaafay ayaa intii ay ku guda jireen baadhitaankan waxay qabteen…
Read more

Hawlwadeennada Wakaalada ee Gobolka Daawa Ayaa Kormeer iyo Baadhitaan Kusoo Sameeyay Xarumaha Caafimaadka Gaarka Loo Leeyahay ee Ku yaalla Kagaalada Mooyaale.

Kormeerkan oo ujeeddadiisu ahayd in lagu hubiyo tayada adeegyada dawo ee ay bixiyaan xarumahaasi, iyo in la baadho dawooyinka sharci darrada ah ee guud ahaan laga mamnuucay dalka. Intii uu socday kormeerka, hawlwadeennadu waxay qabteen qaar kamid ah dawooyinka mamnuuca ah, waxayna hawlwadeenadu digniin siiyeen goobaha lagu arkay, iyagoo ku amray in mar dambe aan…
Read more

Digniin Caafimaadka laxiriirta.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee #WHO ayaa Isniintii soo saartay digniin caafimaad oo ku saabsan saddex nooc oo ah sharoobada qufaca oo wasakhaysan ama leh khatar caafimaad kuwaas oo lagu aqoonsaday ama laga helay dalka Hindiya, hadaba waxaa lagu boorinayaa dhamaan bulshada deegaanka meel kasta oo ay joogaan in ay iska ilaaliyaan sharoobooyinkaas sidoo kalena la…
Read more

Wakaalada Maamulka Dabo-galka Cunnada iyo Dawooyinka DDS oo ku guulaysatay Shahaado Mahadnaq shaqo ah.

Wakaalada Cuntada iyo Dawooyinka Dalka ayaa 18-kii Oktoobar 2025 guddoonsiisay Shahaado sharaf, taasoo ay ku mutaysatay kaalinta muuqata iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadatay guusha lagu gaadhay Heerka 3-aad ee nidaaminta daawooyinka ee WHO. Shahaadadan ayaa waxay caddeyn u tahay Dadaalka joogtada ah ee wakaaladda, Hufnaanta shaqo iyo Heerka sare ee adeegyada shaqo…
Read more